Xaraashka Daamurkii Wadada Ceerigaabo Oo u Muuqda Miduu Raali Ka Yahay Madaxwayne Biixi + Xogaha Dahsoon

Hargaisa:(Tukeraqnews) Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka somaliland ayaa xaraashay daamur gaadhaya toban kun oo foosto kaas oo ka mid ahaa daamurkii loo qorsheeyay dhismaha waddada ceerigaabo.

daamurka wadad ceerigaabo oo ahaa mid gaadhaya konton kun oo foosto islamarkaana uu dalka keenay xirsi wakhtigii uu ahaa wasiirka madaxtooyadda, looguna tala galay dhismaha jidka ceerigaabo ayaa qayb ka mida hore uu u xaraashay wasiirkii hore ee hawlaha guud xukuumadii madaxwayne silanyo Md, Cali Mareexaan waxaana qaybtii kale hadda Si Cadaana u Xaraashay oo wasiir Cabdilaahi abokor oo isagu caan ku ah lunsiga hantida umadda.

Suaasha in badan lays waydiinayo ayaa ah sababta madaxwayne biixi uu u daawanayo musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex bilaabmay xukuumadiisa kaas oo uu kaw kayahay wasiirkiisa gaadiidku? Inkasta oo suaasha jawaabteeda badiba dadku ku micnaysteen in ay jirto awoodo dheeriya oo wasiirka jidadku uu ka haysto madaxwayne biixi ayaa hadana aan la filayn badheedhaha intaa leeg in uu wasiirku ku kici karo oo uu si qaawan u iibsan karo daamurka wadada ceerigaabo oo la wada ogyahay sida lagu soo ururiyay lacagteeda, balse arintani waxa ay dhalisay dareemo badan iyo tuhuno ku gadaaman dhacdadan ugubka ah.

Dhinaca kale waxa jira aragtiyo odhanaya madaxwayne biixi wax ayuu kala socday hawlgalka lagu xaraashay daamurka wadadaasi, sida ay sheegayaan wararka qaarkood kadib markii wasiir cabdilaahi abokor laga hor istaagay rarkii daamurka, ayaa wasiirku uu ay ka soo fakatay in madaxwaynuha ay arintan ka wada socdaan taasi oo noqotay mid bulshada yaab iyo amakaag ku riday islamarkaana jiritaanka weedha wasiirka ka soo baxday xaqiiqdeedu ay noqotay aamuska uu dhag jalaq u siin waayay madaxwayne biixi lunsigaa hantida halbawlaha qaranka wiiqaysa.

Ilo-wareedyo kale oo arintan si dhaw ula socda ayaa iyaguna sheegaya in madaxwaynuhu wasiir cabdilaahi abokor ku ilaashado dano badan oo gaar u ah islamarkaana xidhiidho hoose oo qoto dheeri ay ka dhaxeeyaan taasina ay keenayso in wasiirku aanu cidna waxba isaga tirin