Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta xiray afarta jiho ee la soo galo aqalka dowladda hoose ee gobalka Banaadir.

Ciidankaan oo ka tirsan ilaalada gobalka Banaadir ayaa sameeyay gadood, kadib markii ay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen dhowrkii bil ee la soo dhaafay.

Askarta qaar ayaa dhagxaan ku jiray albaabada laga galo aqalka dowladda hoose waxayna diideen in la galo ama laga soo baxo.

Sidoo kale ciidamada ayaa is hortaagay gaadiid ay wateen agaasimayaal gobalka ka tirsan iyo guddoomiyaal degmo.

Buuq iyo dood muddo taagneed kadib waxaa lagu guuleestay in la qaado ciidankii gadoodka sameeyay, kuwaas oo wali ku sugan goobihii ay markii hore daganaayeen.

Booliiska Soomaaliya ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay qaadan mushaar, waxaana marar badan laga soo xigtay iyagoo ku doodaya “milateriga waxay furamo laga soo baxo laakiin annaga ma lihin goobo aan ka baxno” waxayna arintaas muujineysaa heerka ay ka taagan tahay ciidanka lagu aaminay amniga Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com