Mareykanka ayaa Jabuuti soo gaadhsiiyay shixnadii ugu horaysay ee caawimo balaadhan oo military ah oo lagu qiimeeyay 31 Million oo dollar.

Related image

54 baabuur oo cusub oo nooca loo yaqaano Humvee ayaa soo gaadhay magaalada Djibouti dabayaaqadii bishii December ee 2018. Gaadiidkan oo ay adeegsan doonaan ciidamada commandos ee loo yaqaano “Djiboutian Rapid Intervention Battalion (RIB)”

“Gaadiidkani wuxuu sare u qaadi doonaa awoodda iyo kartida ciidamada RIB si ay u sameeyaan hawlgalo degdeg ah oo aanu kaga jawaabi karaan howl kasta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Mareykanka Michael Simpson oo ah sarkaalka mas’uul ka ah tababarka ciidamada RIB. Isagoo hadalkiisii sii waxa wuxuu yidhi “Waxaanu ku faraxsanahay in aan sii wadno dhisidda iskaashiga xoogan ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Mareykanka iyada oo la adeegsanayo heerkan cusub ee tababarka waxqabadka.”

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika USAFRICOM ayaa sheegay in ciidamada RIB, oo ay siinayso qalab iyo tababarba, ay ka mid yihiin saraakiil khibrad u leh Jabuuti iyo kuwo kale. Tababbarkan uu bixinayo Mareykanku waxaa ka mid ah xeeladaha ciidamada lugta, qorshaynta howlgalka, tababarka hubka, gargaarka caafimaad ee goobaha dagaalka, isticmaalka qalabka GPSkA isgaadhsiinta casriga ah ee militariga.

Image result for US africa command djibouti

Talisku waxa kale uu sheegay in ay ka go’antahay kobcinta awoodaha difaaca ee iskaashatada Jabuuti ay kujirto kordhinta awoodooda ilaalada badda iyada oo loo marayo saadka, dayactirka iyo tababarka badda. Jabuuti ayaa sidoo kale martigelisay laba tababarka “African Cutlass Express Cutlass Express”.

Qaababka kale ee taageerada waxaa ka mid ah injineernimada iyo taageerada dhismaha si loo wanaajiyo tas-hiilaadka saldhigga iyo wadooyinka maxalliga ah.

“Waxaan fursad u helnay in aan la shaqeyno kooxda dhismaha RIB annaga oo hagaajineyna waddooyinka maxalliga ah ka dib roobab culus oo bishii December dhacay,” ayuu yidhii Captain Paul Hinton, oo ah taliyaha qaybta cutubka injineerada Ciidanka USAFRICOM

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay si toos ah iyo dadbanba ay ugu kharash garayn doonaan dalka Djibouti $200 milyan sanadkiiba , taas oo u dhiganta ilaa 10% waxsoosaarka guud ee dalka. Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika USAFRICOM ayaa ah meesha ugu badan ee ay ka shaqo galaan dadka reer Djibouti .