Madaxweyne Biixi Oo Amray in Dhul loo Diyaariyo Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya kalfadhigii 52aad ee golaha Wasiiradda ayaa amar ku bixiyay in la helo oo la qoondooyeeyo dhul guryo looga dhiso shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Madaxweyne Biixi oo hadalkiisii sii wataa waxa uu sheegay in uu arrintaa u xilsaaray wasaaradda Arrimaha Gudaha, Badhasaabyada iyo Mayor-ada dalka si dhulkaa loo helo.

Lama sheegin muddada lagu bilaabayo hawlgalkan balaadhan iyo loo qoondeeyay kharashka ku baxaya.

Miisaaniyadda 2020ka oo maalin dhawayd la dhamaystiray kuma jiro kharash loogu talo galay mashruucan balaadhani.

Shaqaalaha dowladdu waxay ka badan yihiin 15,000, halka ciidamaduna an tiradooda rasmiga ah la hayn ee lagu qiyaaso in ay ka badan yihiin 50,000 oo isugu jira military, police, asluub, ilaalada xeebaha.