War murtiyeed uu soo saaray xafiiska Raiisal Wasaaraha dalka Ethiopia Ahmed Abiy ayaa ka warbixiyay nuxurkii wada hadal uu la yeeshay Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa Cyril Ramaphosa.

Riisal Warasaare Abiy ayaa ugu ku gudo jira socdaal uu ku marayo dalal ka mid ah Africa oo haatan ku sugan dalka Koonfur Africa.

Image

War murtiyeedka laga soo saaray kulanka Abiy iyo Ramaphosa ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka diblomasiyadeed uu soo jireenka ah ee labada dal iyo in ay yeeshaan iskaashi istratiiji ah.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen in la suurto galiyo maalgashiga Ethiopia iyo qaybaheeda kale duwan ee dhaqaalaha ee soo kobcaya iyo Koonfur Africa ay wax ka qabato walaaca ay qabaan dadka Itoobiyanka ee ku nool Koonfur Afrika.

Image

Intii kulankn laba geesoodka ah ee Madaxweyne Ramaphosa iyo Raiisal Wasaare Abiy socday waxa la kala saxeexday saddex heshiish oo ah:

  1. In aan Visa looga baahan dadka laba dal ee haysta baasaboorada diblomaasiyadeed iyo kuwa xukuumadda
  2. In laga wada shaqeeyo dhinacyada dalxiiska; iyo
  3. iyo in la iska kaashado dhanka caafimaadka