Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Madaxweyne Muuse Biixi ku Eedeeyay Gacan Ka Hadal

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah Mudane Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyay BBC laanta Af Somaliga ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi in uu gacan u qaaday mar uu kala hadlay xadhiga Ramaax.

Gudoomiyuhe muu sheegin sababta keentay gacan ka hadalka uu ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi.

Ma jiraan wax war ah oo xukuumadda ama qasriga madaxtooyada Somaliland ka soo saareen waran uu ka dhawaajiyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Khilaafka siyaasadeed ee dalka ayaa kor usii kacay maanta markii fadhi ay xisbiyada mucaaridka ah iyo madaxweynuhu isku afgaran waayeen qodobadii ay Gugidda Dhexdhexaadintu soo jeedisay oo uu ka mid ahaa kala dirka Gudidda cusub ee Doorashooyinka.