Hargeisa:(Tukeraq) Dibu ula soo noqoshada xoriyada madax-banaanida somaliland waa mid dhiig badan loo daadiyay, geesiyaal naftood hurayaal ahina ay u sadqeeyeen nafahoogii, oo maaha mid dhayal ku timid, ee waa mid dhib, rafaad, burbur iyo gumaad ba’an loo soo maray, rabiguna nasrigii guusha keenay 1991-kii

Taniyo xiligaa somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan oo mid kastaaba waayaheeda lahayd, hanaankii dibu-dhiska dalka iyo dawladnimada ayaa ahaa halbawlihii wadnaha ee dhiiga habayay, oo bulshada reer somaliland ay ahaayeen kuwo u tafaxaydnaa sidii ay lugahooga isugu taagi lahaayeen, waxkastoo la soo darsaba.

Dariiq dheer oo qodxaan badan ayaa loo soo maray dibudhiskii dalkan iyo halka ay maanta joogtaba, waxana soo tabantaabiyay halyayo, siyaasiyiin, aqoon-yahano, oday dhaqameed iyo waliba mudankii bulshadan oo ay ilayskooda u bidhaama ee ay ku guuraan uu ahaa golihii guurtida somaliland oo ay horkacayeen ruugcadaagii dalkan wallow aanay waxba haatan ka noolayn ba.

Si kastoo ay tahay, wakhti xaadirkan waxaan shaki ku jirin in dagaalkii dawladii kacaankii afwayne bare ku burburisay dalka iyo dadka reer somaliland ee gumaadka, xasuuqa, dilka, dhaca, iyo guud ahaan ba halaagii umadan loo gaystay, oo haatan laga joogo mudo sodon sano ah in dib isagii oo nooc kale ah ay markale maamulka muqdisho ka arimiya oo midabo kale gashani uu hadana markale isbidayo inuu tiiyoo kale umadan la beegsado.

Ugu horayn waxa hordhaca dagaalka markale soo rogaal celiyay ee farmaajaysani uu hub ka dhiganayaa waa dhanka iclaamka oo afka ah kaasi oo uu u isticmaalayo warbaahinta noocyadeeda kala duwan hadii ay tahay idaacadii aadka loo dhagaysan jiray waayadii hore ee BBC-da iyo Universal Tv, waxaan iyana ka madhnayn oo baryahaaba socotay isticmaalka dhalinyaro dhoyla oo iyagu reer somaliland ah, balse aan garanayn waxii dalka loo soo maray, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uu u maamulo kagana shaqaysiiyo shilimaad hunguri iyo waxii la halmaala, waxa iyaguna jira kuwo abwaano sheegta ama fanaaniin iyo kuwo kale oo yidhaa waxaanu ka tirsanahay bahda qalin maalka oo qoraayo ayaanu nahay, intaas oo is huwan ba waxay si qaawan ugu adeegaan ciilqabayaasha muqdisho ka taliya ee waliba afrikanku ku ilaaliyo tamar daroda haysata, balse iyagoo itaalba sidaa ka yahay hadana u soo bu’aya qaran dhidibada aastay oo sodon jirsaday.

Waxaan shaki ku jirin in wada-hadalada ay afgobaadsiga ka dhigtaan uu qayb ka yahay dabinada somaliland loo qoolayo, oo aanay marnaba daacad ka ahayn taana waxa marag kuugu filan dhagarqabaha guul-wade lagu naanayso oo isaga waxii uurkiisa ku jiray afku ka xaday sheegayna in xasuuqii umadan loo gaystay uu daw ahaa.

Somaliland

Somaliland waxa la gudboon madaxdooda iyo shacbigooduba inay dhugmo u yeeshaan cadawgooda, gaar ahaan xukuumada madaxwayne biixi waxa la gudboon inuu guud ahaan ba meesha ka saaro wax wada hadal la yidhaa inta maamul hagaagsan oo miyir qaba oo aan ciil qabin uu imanayo somaliya, waxa kale oo aan la hilmaami karin kuwa isku sheega safiirada ee beesha caalamka ka socda islamarkaana doorashooyinkeena iyo hada-hadalada somaliland iyo somaliya ka hadla in gabi ahaan ba la yidhaa naga jooga somaliland waa umad isku filan oo isku tashatay, hadii aad wax la qabanaysaana duudsiga ka daaya oo xaq iyo xuquuqda ay idinka mudan yihiin garta ileen safiir la yidhaa waxa uu u qaabilsan yahay somaliya iyo somaliland ma jiree.

Gabgabadii

Shacbiga reer somaliland dagaal afka ah iyo dabinada farmaajo midna maaha kuwo wax ka badalaya qadiyadooda iyo jiritaanka masayrka qarankooda oo qofkasta oo reer somaliland ahba waxa quluubtiisa ku xardhan oo aan marnaba ka ba’ayn dharaarihii qadhaadhaa iyo waayihii adkaa ee ay u soo mareen la soo noqoshada xornimadoodii foof-daran habawgu ku dhacay 1960-kii dibna loo hantay 1991-kii