Hargeisa:(Tukeraq) Somaliland oo mudo badan isku soo maamuli jirtay nidaamkii axdi-qarameedka waxna ku dooran jirtay shir beeleed, ayaa 2001-dii qaadatay habka nidaamka axsaabta badan oo ah nidaamka dimuquraadiyada, taas oo ilaa imika dalka ka jirta, oo ay bulshadu codkooda ku doortaan hadba cidii ay is yidhaahdaan rabitaankiina ayuu ka turjumayaa.

sanadkii 2002-dii ayaay ahayd xiligii xukuumadii riyaale ay markii u horaysay dalka ka qabato doorasho wax lagu dooranayo codka bulshada, taasi oo xiligaa ururadii siyaasada ee tartanka ku jiray ay guulaysteen sadex ka mida oo iyagu noqday xisbiyo qaran kuwaas oo kala ahaa Udub, Kulmiye, Iyo Ucid, intaa waxii ka danbeeyay waxa dalka ka jiray sadexdaa xisbi oo qudha oo saaxada ku kali ahaa islamarkaana soo galay doorashooyinkii wakiilada iyo madaxtooyada, balse 2010-kii xiligii doorashada madaxtooyada ee xisbiga kulmiye ku guulaystay tartanka hogaaminta talada dalka ee madaxwayne silanyo loo doortay inuu dalka madaxwayne u noqdo.

Madaxwayne silanyo waxa uu 2012-kii furay ururadii siyaasada oo waxa ururo dib ugu noqday sadexdii xisbi ee saaxada ku kalida ahaa waxaana xiligaa oo ahayd wakhtigii doorashada golayaasha deegaanka soo baxay oo noqday xisbiyo qaran sadex ka mida ururadii tartamayay oo laba ay noqdeen kuwii hore waa Ucid Iyo Kulmiye halka Udub ay iyadu hawada ka baxday oo uu xisbiga Waddani noqday ka sadexaad ee ururnimadii ka soo gudba, sidaana ku noqday xisbi qaran.

Laga soo bilaabo xiligaa oo haatan laga joogo mudo sideed sano ah, waxa shacbiga reer somaliland ay dhibanayaal u noqdeen markale sadex xisbi oo aan tudhaale lahayn iskuna dul haysta islamarkaana aan midna midka kale u joojinayayn oo xaaladoodu ba noqotay midi midi ku taag, taasi oo sababtay in guud ahaan ba ulashadii shacbiga ee doorashooyinku ay mugdi galaan oo ay xaqii iyo xuquuqdii aasaasiga ahayd ee muwaadinku wax ku dooran lahaa laguna dooran lahaa meesha ka saartay waana mid ay eedeeda si wadar ah u wada leeyihiin xisbiyadan karaha badan bulshdu ka qaaday.

Golaha wakiilada oo iyagu sadex xili doorasho fadhiya waxa ulanayay inay badalaan muwaadiniin badan oo xaq u lahaa waxse ay ka suurta gali la dahay xisbiyadan saacad kasta isku haysta gudida doorashooyinka hala badalo iyo yaan la badalin, taasi oo ay jilayaasha siyaasada sabankani dhinacna uga gudbi kari la’yihiin ahna mid bar-madaw ku noqotay hanaankii geedi-socodka dimuquraadiyada somaliland.

Maxaa Xal Ah

Dareenada shacbiga reer somaliland ay qabaan ayaa badiba odhanaya waxa kaliya ee aynu xaalada noocan ah kaga bixi karnaa sadexdan xisbi ee sadexda xabsi ah oo meesha ka baxa lana helo xisbiyo qaran oo si dhaba u dabaqaya doonista shacbigooda.

Sidee loo helayaa

Dabcan waxa lagu heli karaa inuu madaxwayne biixi ku dhiirado furistii ururada oo iyagu marka horeba mudaysnaa in la furo 2022-ka balse aan lagaba maarmi karin in wakhti xaadirkan la taagan yahay xiligii ku haboonaa oo la furo sanadkan lana qabto doorashooyinkii deegaanada lana diwaan galiyo ururu siyaasadeed si loo helo sadex xibi oo aan ahayn kuwan indhihii iyo dhagihii bulshada daashaday ee iyaga uun isku foogan islamarkaana noqday meheradaha ay horjoogayaashoodu leeyihiin oo mulkigoogii noqday, waana ta dabarka noqotay in ay xisbiyadii umada matali lahaa ay noqdaan meherado shaqsiyaad leeyihiin kuna aroora hab beelaysan oo xisbi kastaaba reer dabada kula jiro.

Gabagabadii dalka iyo dadkuba waxay u baahan yihiin in ay helaan xisbiyo qaran oo si dhab ah uga turjuma umada ay wakiilada ka yihiin, balse aan reer iyo qabyaalada midna dabada galin, sidoo kalena aan xero oodan ka dhigin xisbigii ee uu noqdaa xisbi furan oo isagu dadka u baahan islamarkaana xeerarkiisa iyo shuruucda guud ee dalku leeyahay dabaqa kuna dhaqma.