Hargeisa:(Tukeraq) Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Ku Sugan TUKARAQ Ayaa Hawl Galo Saacado Qaatay Ka Fuliyey Deegaanka Bari ka Xiga Gobolka SOOL Ee Boocame Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee jiida hore ee Tukaraq oo wata gawaadhida gaashaaman ayaa kormeer saacado qaatay ku tegey degmada ugu bariyeysa gobolka Sool ee Boocame.

Ciidankan oo ay hor kacayaan saraakiil sarsare ayaa soo dhaweyn balaadhan kala kulmay bulshada ku dhaqan degmada Boocame iyo deegaanada hoos yimaadda.

Waxaa lagu wadaa in degmada Boocame la gaadhsiiyo maamul fidinta ka socota degmooyinka Somaliland ee ku dhaw dhaw soohdin dhuleedka uu dalkan Jamhuuriyadda Somaliland la wadaago dalkaasi Soomaaliya, dhawaana waxaa si rasmi ah uga hawl gali doona ciidamadii booliska ee degmada Boocame ee maalintii dhaweyd la qarameeyey.

Warbaahinta maamul goboleedka dalkaasi Soomaaliya ee Puntland ayaa warar been abuur ah ku sheegtay inay degmada Boocame joogeen maleeshiyaadka Puntland, markii ay soo galeen Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ah been abuur cad iyo war aanay waxba ka jirin

Sawirka Ahmed Omer.
Sawirka Ahmed Omer.
Sawirka Ahmed Omer.
Sawirka Ahmed Omer.