Xiddigii Kubadda Kolayga Kobe Bryant Oo Geeriyooday

Kobe Bryant oo ka mid ah ciyaaryahanadii ugu caansanaa ciyaartoyga Kubadda Kolayga ayaa ku dhintay Axaddii shalay shil helikobtar meel u dhow Los Angeles. Kobe Brayant wuxuu ahaa 41 jir.

Waxa sidoo kale shilkan ku dhintay gabadh uu dhalay iyo 7 qof oo kale oo diyaaradda qumaatiga u kacda la saarnaa.

Bryant ayaa soo shaacbaxay isagoo 18 jir ah, halkaasi oo uu 20 sano u soo ciyaaray kooxda Los Angeles Lakers soona hooyay shan guulood oo kooxdiisu ku noqotay horyaal NBA.

“Ma jirin cid ka badbaaday. Waxaanu liiskii rakaabka oo muujinaya inay jiraan sagaal qof oo saarnaa diyaaradda, duuliyaha iyo sideed qof oo kale,” ayuu yiri Los Angeles County Sheriff Alex Villanueva oo lahadlayay shir jaraa’id, isagoo ka gaabsaday inuu sheego magacyada dadka geeriyooday.

Gudoomiyaha isbahaysiga kubadda kolayga ee NBA Adam Silver ayaa xaqiijiyay in Kobe Bryant iyo gabadhiisa Gianna ay kamid yihiin dadka shilkaasi ku geeriyooday, waxayna tacsi u diray xaaskii iyo qaraabadiisii.

Waxa sidoo kale tacsi ku qoray bartiisa Twitter Shaq O’neal ka isagoo xusaya saaxiibtinimada ka dhaxaysay Kobe Bryant iyo reerkiisa